Chelsea Oo Shaacisay Qiimaha Lama Filaanka Ah Ee Ay Ku Doonayso Iibka Pulisic Xilli Liverpool & Barcelona Ay War Heleen

0
291

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Chelsea ayaa la xusayaa inay shaacisay qiimaha ay ku doonayso iibka garabka weerar ee kooxdeeda ee Christian Pulisic oo lala xidhiidhinayo kooxaha Liverpool iyo Barcelona.

Wargeyska Catalan-ka ah ee El Nacional ayaa sheegaya in Chelsea ay diyaar u tahay inay Pulisic ku iibiso qiimo 42 Milyan oo pound ah. Pulisic ayaa ahaa mid ay haleeleen dhaawacyo kala duwan sanadkii ugu dambeeyay waxaana la sheegayaa inuusan qayb ka ahayn qorshaha fog ee Thomas Tuchel.

Pulisic ayaa kaliya hal kulan Premier League xilli ciyaareedkan ugu soo bilawday Blues. Chelsea ayaa sheegtay inaysan ka iibin doonin xiddigaas Maraykanka ah koox ay horyaalka ku xifaaltamaan walow ay Liverpool u muuqato mid kaliya ee bixin karta qiimahaas ay ku doonayaan.

Pulisic ayaa muhiim ka noqday akaademiga Borussia Dortmund markii uu Klopp ahaa tababaraha kooxdaasi, Klopp ayaa taageere weyn u ah 23 sano jirkaas isaga oo doonayay inay Anfield dib ugu midoobaan sanadkii 2018.

Barcelona ayaan haatan dhaqaale ahaan awoodin saxeexa Pulisic balse u baahan doonta inay Chelsea kala hadasho heshiis amaah ah oo ay lacagta rasmiga ah mustaqbalka bixin doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here