Tababaraha Barcelona Xavi Hernandez oo ka Hadlay Xogta Ousmane Dembele.

0
262

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Barcelona Xavi Hernandez ayaa sheegay in Ousmane Dembele laga yaabo inuu u ciyaaro kooxda Barcelona kulanka Benfica hadii uu dareemo inuu ku saxan yahay tababarka.

“Waxay kuxirantahay dareenkiisa,” Xavi ayaa yiri. “Ma doonayno in ciyaartoydu ay dhaawacmaan. Waxaa i haga sida ciyaaryahanku dareemayo. Muhiim ayay noo tahay Dembele inuu halkaas joogo”.

“Waan arki doonaa sida uu yahay sababtoo ah mararka qaarkood waa inaad halis gasho, waa inaan aragnaa, sida kuwa kale, haatan wuu soo laabanayaa”.

Kooxda Barcelona ayaa u baahan in ay ka badiso kooxda Benfica hadii ay doonayso in ay rajo ka hesho u soo bixitaankeeda wareega xiga ee tartanka champions league.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here