RW Rooble Oo Ku Dhawaaqay In Dalku Galay Xaalad Deg Deg Ah

0
176

JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah oo ka dhalatay abaaraha dalka ku sii baahaya, ka dib marki uu guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dunida ugu baaqay in deg deg loogu soo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Abaaro  ba’aan ayaa ku dhuftay Gobolada, taasi oo keentay in dad iyo duuunyo ba ay wajahaan xaalad bani’aadanimo oo aad u liidata, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa in abaarugu ay gallaafteen nolosha dad danyar ah, sidoo kalena waxaa tiro beelay xoolaha le’anaya Abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here