Shirkad laga leeyahay Dalka Uk oo soo Bandhigtay Diyaaradda ugu Xawaaraha dheer ee korontada ku shaqeyneysa.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Rolls-Royce ayaa sheegtay diyaaradda cusub ee korontada ku shaqeyneysa oo ay sameysay iney tahay tan ugu xawaaraha dheereysa diyaaradaha korontada ku shaqeeya ee horay loo sameeyey.

Shirkaddan oo uu fadhigeedu yahay Derby ee dalka Ingiriiska waxy sheegtay diyaaraddu iney socotay xawaare dhan 387.4 Mayl (623 km), xilligi tijaabada lagu sameynayey.

Diyaaraddan ayaa la rumeysan yahay seddex rikoor oo cusub iney dhigtay.

Xawaaraha ay shirkaddu sheegtay xilligi tijaabada iney diyaaraddu ku socotayna waxaa loo diray xiriirka ciyaaraha duullimaadka adduunka si ay xawaarahaasi u xaqiijiyaan kaddibna u ansixiyaan.

Iyada oo tijaabada diyaaraddan cusub la sameeyey 16-ka November ee sanadkan.

Diyaaraddu waxaa tijaabada ugu horreysay ku sameeyey ama diiwaan geliyey duuliyaha tijaabada sameynayey oo wehliyey agaasimaha howlagallada duullimaadyada Phil Odell.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here