Watford Oo Noqonaysa Kooxda Dilaysa Solskjaer, Ronaldo, Rashford Iyo Xiddigaha Uu Badbaadada Ka Sugayo Iyo Xogta Kulankooda

0
175

JOWHAR (Radio isnaay) Manchester United ayaa raadin doonta inay kusoo laabato jidka guusha marka ay galabta tagto Vicarage Road oo ay marti ugu noqonayso Watford, hase yeesheeshee Ole Gunnar Solskjaer ayaa dab kulaalaya, waxaanay ciyaartani noqon kartaa middii soo afjaraysay waayihiisa tababarenimo ee Manchester United.

Red Devils ayaan aqbali karin wax aan ka ahayn guul ciyaarta maanta, waxaana haddii laga soo badiyo adkaan doonta inuu Solskjaer sii joogo shaqada iyadoo ay u badan tahay in la caydhin doono.

Laakiin Watford oo marti loo yahay, isla markaana uu hoggaaminayo tababaraha khabiirka ah ee Claudio Ranieri oo dib ugu soo laabtay hroyaalka Premier League oo uu hore ugu guuleystay markii uu joogay Leicester City.

Manchester United ayaa u dhacday kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League ciyaartii ugu dambaysay markii ay Man City ku garaacday 2-0, halka Watford ay guul-darro 1-0 ah kala soo kulantay Arsenal, isla markaana waxyar ka sarrayso khadka cas ee kooxaha u dhacaya heerka labaad.

Watford ayaa 11kii ciyaarood ee horyaalka waxay guuleysatay saddex, mid barbarro ah iyo toddoba laga badiyey, sidaas ayaanay ku fadhidaa kaalinta 17aad iyadoo haysata 16 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka sarraysaa Burnley oo 18aad fadhida.

United ayaa iyadana laba jugood oo waaweyn ay kasoo gaadheen kulamadii horyaalka ee garoonkeeda Old Trafford ee xilli ciyaareedkan, waxaana ku karbaashay Liverpool iyo Man City, hase yeeshee waxay kusoo nafiseen guul 3-0 ahayd oo ay kasoo gaadheen Tottenham, halka Atalanta ay barbarro lasoo galeen.

Ole Gunnar Solskjaer ayay kooxdiisa kusoo fool leedahay ciyaar adag oo kale, taas oo ay foodda isku dari doonaan Villarreal usbuuc-dhamaadkan, waxaanay xiddigaheedu u baahan yihiin inay ciyaarta maanta dib ugu soo nooleeyaan niyaddooda ka hor inta aanay ciyaarta Champions League isku diyaarin.

Si kastaba, Ole Gunnar Solskjaer waxa maanta uu dareemayaa culays ka badan intii hore, waxaanu intii hore uga dhowaan doonaa in la caydhiyo haddii uu guul ka keeni waayo Watford, sababtoo ah, cidina kama aqbalayso in kooxdu dhibco kale lumiso, waxaase uu badbaado ka sugayaa xiddigaha waa weyn sida Ronaldo, Fernandes iyo Rashford oo uu ciyaarta kusoo bilaabi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here