Tahriibayaal ku dhintay xeebaha dalka Liibiya

0
202

JOWHAR (Radio isnaay)-Ku dhawaad 10 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Liibiya, kadib markii ay ku neef qabatimeen doontii ay saarnaayeen.

Markab uu leeyahay Ururka Dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF ayaa 99 kasoo saaray Doonta degtay, hayeeshee qeybta hoose ee doonta ayaa laga helay ila 10 meyd ah.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadkaan ay ku neef qabatimeen Hawada oo ay ka buuxday Urta baasiinka ayna u badan tahay in ay ku geeriyoodeen qiiqa Doonta kadib 13 saacadood oo ay badda ku safrayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here