Rio Ferdinand Oo Uga Digay Solskjaer Inuu Sameeyo Qalad Fursad U Noqon Doona Liverpool

0
183

JOWHAR (Radio isnaay) Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa uga digay tababaraha kooxdiisa hore ee Ole Gunnar Solskjaer inuu sameeyo qalad fursad u noqon doona Liverpool, kaas oo ay ku ogolaanayso inay saxeex cajiib ah gacanta ka geliso Jurgen Klopp.

Manchester United ayaa hormood u ah kooxaha lala xidhiidhinayo da’yarka xulka  qaranka England ee Jude Bellingham oo wacdaro ka dhigaya horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga isaga oo hormood u ah Borussia Dortmund.

18 jirkan ayay Dortmund £25 milyan oo Gini kaga iibsatay Birmingham City sannad ka hr, waxaana uu markiiba si fiican u saldhigay kooxdiisa cusub, iyadoo xilli ciyaareedkan socda oo uu saftay 11 ciyaaroodna uu u dhaliyey laba gool, saddex kalena caawiye ka noqday.

Rio Ferdinand oo si dhow ula socday xaaladda da’yarkan ayaa u sheegay Red Devils gaar ahaan Ole Gunnar Solskjaer in aanu lumin fursad ay Liverpool ka faa’iidaysan karto oo uu si degdeg ah ugu dhaqaaqo saxeexa Jude Bellingham.

Ferdinand ayaa yidhi: “Aad ayuu u wanaagsan yahay. Xilliyadii uu da’yarta  Ingiriiska u ciyaarayay, waxa jirtay mar uu difaaca dhexe istaagi jiray. Waxa jirtay waqti uu ka ciyaarayay No.8 iyo mar uu gool illaa goolka kale ahaa. Waxa kale oo jirtay waqti uu weerarka ka mid ahaa.

“Waa ciyaartoy awood u leh inuu ka ciyaaro dhamaan boosaska, aadna u wanaagsan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here