Miyuu Kabtan Aubameyang Gabi Ahaanba Dhaawac Ku Seegayaa Kulanka Liverpool?

0
139

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Arsenal iyo tababaraheeda Mikel Arteta ayaa xog ka helaya xaalada dhaawac ee kabtan Pierre Emerick Aubameyang xilli ay kulan muhiim ah kahor tagayaan kooxda Liverpool Sabtida toddobaadka dambe.

Waxa jirtay cabsi laga qabo xaalada dhaawac ee 32 sano jirkaas kaddib markii dhaawac ahaan looga dhex qaaday garoonka kulankii xulka Gabon guusha ka gaadhay dhigeeda Libya Jimcihii.

Xidhiidhka kubadda cagta Gabon ayaa shaaciyay inuusan markale matali doonin dalkooda inta lagu jiro kulamadan caalamiga ah iyaga oo u celiyay Emirates Stadium.

Auba ayaa soo dhaliyay goolka madiga ah ee ciyaartaas ay Libya ka guuleysteen balse dalkiisa Gabon ayaa haddana ka hadhay tartanka koobka aduunka kaddib bar-bardhacii ay Angola la gashay Egypt.

Si kastaba, Pierre Emerick ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa Gunners kaddib markii uu Arbacadii shalay kusoo noqday tababarka buuxa waxaana ay u badantahay in Mikel Arteta uu kusoo bilaabi doono kulanka Anfield.

Kaliya laba kooxood ayaa u dhaxeeya labada kooxood kahor kulankooda Sabtida, Arsenal ayaa doonaysa inay sii wadato rekoodhkeeda guuldarro la’aanta ee 10-ka kulan maraya.

Marka laga yimaado taam ahaanshaha Aubameyang, Arsenal ayaa wali wer-wer ka qabta dhaawaca Thomas Partey oo ku dhibtoonaya xanuun canqawga ka gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here