Liverpool Oo Xalay Diiwaangelisay Dhaawac Kale Xilli Arsenal Kusoo Waajahan Tahay

0
148

JOWHAR(Radio isnaay) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay lagu wargeliyey inuu dhaawacmay mid ka mid ah ciyaartoydii kaga maqnaa kulamada caalamiga ah ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, kaas oo garoonka laga saaray markii uu dhex fadhiistay ee uu socon kari waayey.

Daqiiqaddii 30aad ee qaybta hore ayaa la beddelay weeraryahanka Belgium ee Divock Origi kaddib markii uu ksuoo booday dhaawac muruqa ah, kaas oo sababay in xataa qaybta hore uu dhamaysan kari waayo.

Liverpool ayaa hore ay kulamada caalamiga ah ugaga soo dhaawacmeen toddobaadkan saddexda ciyaartoy ee Sadio Mane, Andy Robertson iyo Jordan Henderson. Kulankii Belgium iyo Wales ayaa se walaaca kusii kordhisay Jurgen h Klopp oo usbuucan ay kooxdiisu la ciyaarayso Arsenal.

Roberto Martinez ayaa keenay Dante Vanzeir isaga oo saaray Divock Origi oo uu markii hore isku dayay in la caawiyo oo xanuun baabi’iye la siiyo si uu usii wadan karo ciyaarta.

Origi ayaa la filayay inuu buuxiyo booska Roberto Firmino ama Sadio Mane haddii uu midkoodna kasoo laaban waayo dhaawac, balse dhaawaciisa ayaa doorashooyinka ku yaraynaya Jurgen Klopp.

Roberto Firmino ayaa illaa bisha December ka maqnaan doona garoomada, sidoo kalena waxa toddobaadyo maqnaanaya Curtis Jones iyo James Milner, halka uu shaki ku jiro Naby Keita iyo Joe Gomez waqtiga ay soo laabanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here