Liverpool Oo Iibsanaysa Mid Ka Mid Ah Kooxaha Ugu Waaweyn Dunida & Lacagta Waallida Ah Ee Ay Dul-dhigtay

0
124

JOWHAR (Radio isnaay) Mulkiileyaasha Liverpool ayaa  sii ballaadhinaya boqortooyadooda ciyaaraha iyo naadiyada ay gacanta ku hayaan, waxaanay hadda qarka u saaran yihiin inay iibsadaan mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunyada.

Fenway Sports Group (FSG) oo uu iska  leeyahay John W. Henry oo ah mulkiilaha Liveprool ayaa waxay Khamiistii wada-xaajoodyo gunaanad ku dhow la bilowday mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida, taas oo ay ku iibsanayaan lacag lagu qiyaasay £600 milyan oo Gini.

John W. Henry ayay shirkaddiisa FSG oo ay dad kalena saamiyo ku leeyihiin waxay sannadkii 2010 iibsatay Liverpool oo ay £300 Gini kagala wareegtay labadii mulkiile ee waqtigaas ee George Gillett iyo Tom Hicks.

FSG waxay intaas kaddib iibsatay kooxda Boston Red Sox ee guulaha badan ka gaadhay horyaalka MLB ee waddanka Maraykanka iyo sidoo kale Roush Fenway Keselowski oo ka ciyaartay tartanka NASCAR.

Mar kale ayay shirkaddu sii xoojinaysaa saamaynta ay ku leedahay ciyaaraha, waxaanay la wareegaysaa mulkiyadda kooxda Pittsburgh Penguins oo ka mid ah naadiyada ugu waaweyn ee dheela kubadda barafka ee qoriga lagu dheelo sida xeegada oo kale.

Pittsburgh Penguins ayay FSG ka bixinaysaa £600 milyan oo Gini, waxaanay qayb ka noqon doontaa liiska kooxaha mataanaha la ah Liverpool.

John W. Henry ayaa shirkaddiisa lagu qiyaasaa inay haysato lacag gaadhaysa $7.35 bilyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here