Xulka England Oo Ku Sigtay Inay Diyaaraddu La Dhacdo,

0
183

JOWHAR (Radio isnaay) Xulka qaranka Ingiriiska ayaa ka cabsi qabay in lagu qarxiyo diyaarad oo ay qurub-qurub yar noqdaan waxaana oo hin isku daray ciyaartoydii ka qayb-galay Koobka adduunka, kaddibna waxa bilaabantay oohin iyo murugo mar kaliya is-qabsatay diyaaradda dhaxdeeda.

Sida uu sheegay kabtankii hore ee xulka qaranka England ee Rio Ferdinand, waxa jirtay waqti ay xulka dalkiisa soo food-saartay cabsi weyn iyo walwal la xidhiidha noloshooda.

43 jirkan hore difaaca ugaga ciyaari jiray Manchester United ayaa sheegay in ciyaartoydii hore ee xulka ee Wayne Rooney iyo Steven Gerrard ay ooyayeen, iyaga oo barooranaya iyaga oo u baqaya nolosha ciyaartoyda, sababtuna waxay ahayd in diyaaradda ay saarnaayeen ay cillad ku timid iyagoo hawada ku jira.

Arrintan ayaa dhacday markiii ay kasoo laabanayeen Koobkii Adduunka 2006, markaas oo diyaaraddooda oo hawada ku jirta ay la kulantay cimilo adag oo u dhowaatay inay soo dhacdo

Rio Ferdinand oo dhacdadan ka sheekaynaya ayaa yidhi: “Markii uu Portugal nagu soo reebtay wareegga siddeedda Koobka Adduunka, waxa aanu qaadanay duulimaadkii ugu xumaa sida aan qiyaasi karayo. Waxa na qabsatay cimilo aad u xun oo qof walba uu u qaatay inay diyaaraddu dhacayso. Dhamaantayo waanu ooyaynay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here