Tababar ku saabsan Kor uqaadista Talaalka Hooyada iyo Dhallaanka oo  lagu qabtay Jowhar.

0
139

JOWHAR (Radio isnaay) Waxaa  Tababar Loogu qabtay Magaalada Jowhar shaqaalaha Hay’adaha ka Howlgalo Magaalada Jowhar Tababarkaan ayaa ku saabsanaa kor u qaadista Tallaalaka Hooyada iyo Dhallaanka oo Maalinta Berrito ah ka bilaabandoono Dhamaan Degmooyinka ay ka koobantahay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyadoo uu Tababarkani ka socdo Guud ahaanba Degmooyinka kale ee ay ka kooban tahay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle Muxidiin Calasoow oo lahadlay Kaqeybgalayaashii Tababarkaan ayaa ku bogaadiyay in ay Kafaa,iideestaan islamarkaana uu tababarka wax badan kusoo kordhin doono Xirfadooda Caafimaad si ay uga sii Faa,iideeyaan Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed waxaana uu kula dardaarmay kaqeybgalayaasha in ay Marwalbaa Dadka usameeyaan Garab Istaag iyo Gargaarka Deg dega ah ee ay ubaahanyihiin Dadka ladhibaatooyana Cudurada kaladuwan ee Saameeya Bulshada kunool Deegaannada Hirshabeelle.

Sikastaba Ha,ahaatee Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waday Tababarro Kor loogu qaadayo Xirfadda iyo Aqoonta Bahda Caafimaadka ee kahowlgala guud ahaanba Deegaannada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here