Steve McClaren oo fariin u diray Ole Gunnar Solskjær sababa la xiriira Cristiano Ronaldo

0
227

JOWHAR  (Radio ISNAAY)-Tababarihii hore xulka qaranka England ee Steve McClaren ayaa xaqiijiyay in dib ugu soo laabashada xiddiga heerka caalami dalka Portugal Cristiano Ronaldo ee kooxda Manchester United, ay u horseedi doonto guul ama guul darro tababaraha Red Devils ee Ole Gunnar Solskjær.

36 jirkaan ayaa xagaagii hore ku soo laabtay kooxda Manchester United, isagoo kaga soo biiray Juventus, adduun lacageed dhan 15 million euros.

Haddaba wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababarihii hore xulka England ee Steve McClaren, wuxuuna yiri:

“Solskjær wuxuu keenay Ronaldo iyo Varane, gaar ahaan Cristiano, oo yaqaan sida loo guuleysto, waxa uu saameyn ku leeyahay waxa aan ka maqlo qolka labiska, waa lambarka koowaad, waxayna fiiriyaan isaga.”

“Soo laabashada Cristiano Ronaldo waxay u horseedi doontaa guusha ama guuldarrada Solskjaer.”

“Waxaad ka arki kartaa luqadda jirkiisa, waxaan taasi ku arkay kulankii Atalanta, isaga oo kooxda hoggaaminaya, wuxuu xoogaa yar i xasuusiyay Roy Keane.”

“Qof sida Ronaldo oo kale haddii uu soo galo qolka labiska, waxay keeni kartaa inaad guulaysato ama aad guuldarreysato, waxa lagaa rabo inaad sameyso waa inaad adeegsato isaga, isagu waa xalka, balse sidoo kale waa dhibaato, haddii aadan ula dhaqmin si sax ah, waxay taasi dhibaato ku noqon kartaa tababaraha.”

“Waxaa jira habab kala duwan oo sidaas lagu sameyn karo, Ronaldo waa in lagu daraa kooxda si uu koox ahaan ugu ciyaaro, hadda koox ahaan uma ciyaarayaan.”

“Marka aad eegto Chelsea, Liverpool iyo Manchester City, waxaad arki kartaa koox iyo inaad aqoonsato qaabka ay u ciyaaraan.”

Yeelkeeda, Man United ayaa xilli ciyaareedkan la kulmayay natiijooyin xun xun, taasoo sababatay in kooxda ay ka dhacdo kaalinta  6-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 17 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here