Xiddig U Ciyaara Chelsea oo Gudbiyay Warqada Bixitaanka.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Hakim Ziyech ayaa lagu soo waramayaa in uu warqada Bixitaanka u gudbiyay Chelsea si uu uga tago marka la gaadho suuqa kala iibsiga January kadib markii ay Borussia Dortmund xiiso u muujisay.

Xiddiga ayaa ku soo biiray chelsea xagaagii hore kadib markii uu Frank Lampard keenay kooxda laakiin tababaraha ayaa 6 bilood kadib laga caydhiyay shaqada.

Hakim Ziyech ayaa tan ilaa markii uu chelsea yimid ku dhibaatooday kooxda sabab la xidhiidha dhaawacyo waxana uu haatan u muuqdaa mid ka baxay qordhaha Thomas Tuchel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here