Xavi oo Durba Ganaaxay Ousmane Dembele.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Cusub ee kooxda Barcelona ee Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu durba ganaaxay xiddiga Ousmane Dembele kadib markii uu soo daahay tababarka.

Kadib markii la xaqiijiyay in Xavi uu yahay badalka Ronald Koeman, tababaraha reer Spain ayaa sameeyay 10 sharci oo uu u sheegay xiddigaha kooxdiisa.

Mid ka mid ahaa sharciyada Xavi ayaa ahaa in ay xiddiguhu yimaadaan tababarka 90 daqiiqo ka hor inta uuna bilaaban tababarku maadama uu doonayo in uu la shiro xiddigaha kooxdiisa.

Laakiin sida laga soo xigtay The Mirror, Dembele ayaa saddex daqiiqo ka soo dambeeyay wakhtigii uu tababaruhu u qabtay xiddigaha kooxda maalintii jimcihii.

Sidaas darteed Xavi ayaa xiddiga Dembele dusha ka saaray ganaax iyada oo uu xiddiga ku ganaaxay in uu  kaligiis qaatay tababarka kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here