Robert Lewandowski Oo Fikirkiisa Ka Dhiibtay Abaalmarinta Ballon d’Or.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa soo jeediyay fikirkiisa ku aadan abaal marinta Ballon d’Or. Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay isagoo ku guda jira waajibaadka xulkiisa, weeraryahanka ayaa cadeeyay inuu weli diirada saarayo ciyaaraha soo socda ee kooxda iyo wadankiisa.

Inkasta oo Lewandowski uu diiday jawaabtiisa, haddana waxa uu qirtay in laga yaabo inuu bilaabo inuu ka fikiro abaalmarinta marka ay xafladdu soo dhawaato.

“Waxaan joojiyay in aan wax badan ka fikiro, hubaal ima caawin doonto inaan ka fekero fursadaha aan ku guuleysan karo, mala-awaalka iyo sirta warbaahinta, waxaan doorbidayaa inaan diirada saaro wax kale,” Lewandowski ayaa yiri.

“Waxaa laga yaabaa in marka ay xafladu soo dhawaado, waxaan bilaabi doonaa inaan ka fekero, hada waxa la joogaa bilowga bisha November sidaas darteed wali wakhti ayaa hadhsan”.

“Dabcan, Ballon d’Or waa abaal-marin aad u fiican, laakiin looma baahna in laga fikiro, sababtoo ah wali wax badan ayaan qabanayaa ka hor inta aan la gaadhin’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here