Xiddig Barcelona Ah Oo Muddo Bil Ah Ka Maqnaan Doona Garoomada

0
175

JOWHAR (Radio isnaay) Weeraryahanka Barcelona Ansu Fati ayaa qarka u saaran inuu garoomada ka maqnaado afar ilaa lix isbuuc ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii ay Blaugrana barbaraha 3-3 la gashay Celta Vigo.

Xiddiga reer Spain ayaa kaliya ku soo laabtay garoomada todobaadyo ka hor kadib markii uu muddo dheer ka maqnaa dhaawac jilibka ah.

Sida laga soo xigtay raadiyaha Catalunya, Fati ayay u badan tahay in uu garoomada ka maqnaado ugu yaraan hal bi kadib markii uu ku dhaawacmay qaybtii hore ee kulankii Celta.

Fati ayaa daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Barcelona gool kulankii ay bar-baraha 3/3 la gashay kooxda Celta vigo isaga oo kadib dhaawac uga baxay isla qaybtii hore ee ciyaarta.

Ansu Fati ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican tan ilaa markii uu kooxda 1-aad u soo dalacay xilli ciyaareedkii 2019-20. Waxa uu dhaliyay sideed gool 33 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here