Real Madrid Oo Guul Ay U Baahneyd Ka Gaartey Rayo Vallecano (Hogaanka Horyaalka Ayeey Dheereysteen)

0
302

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid ayaa kulan ku tirsan kulamada horyaalka La Ligaha waxaa ay garoonkeeda Sandiego Bernabue ku casuuntey kooxda Rayo Velcano.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatey jawi u eg in Real Madrid iyo macalinkooda Ancelotti ay ku soo tala galeen in guul ay ka helaan kulankan, marka aad fiiriso sida ay bilowgiiba kubadda u bilaabeen.

Kadib markii ay ciyaarta socotey wax ka yer 15 daqiiqo, Real madrid ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtey markii uu gool u dhaliyey xiddigooda qadka dhaxe Toni Kroos daqiiqadii 14aad, waxaana ay ciyaarta sidaasi ku noqotey gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heyso kooxda Real Madrid.

Kooxda Rayo Velcano ayaa sameysey dadaalo ay ku dooneyso sidii ay ciyaarta ugu soo celin laheyd dheeli tirnaanteeda oo ay u keeni laheyd goolka laga dhaliyey laakiin dadaalkoodu wax badan kama soo naasa cadaan.

Dhanka kooxda Los Blancos ee martida loo ahaa dadaalkooda ayeey iyaguna halkaasi ka sii wadeen iyagoona awoodooda isugu geeyey sidii ay natiijada ciyaarta u fogeyn lahaayeen.

Daqiiqadii 38aad ayeey mar kale Real soo taabteen shabaqa kadib markii uu gool kale u dhaliyey weeraryahankooda, gool ma efaha reer France Karim Benzema waxana ay ciyaartu noqtey 2 gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heyso kooxda Real Madrid.

45 kii daqiiqo ee qeybta kowaad ayaa waxaa lagu kala marey 2gool iyo waxba oo ay hogaanka ciyaarta ku heyso kooxda Real Madrid.

Qeybtii labaad ayaa ciyaarta bilaabtey kooxda Ray Valceno ayaa ku soo gashey dardar ay ku dooneysey in ay kaga aarsato Real Madrid.

Dadaalo badan ayeey sameysey laakin uma suurta gelin ay fursad walba gool u bedesho.

Daqiiqadii 76aad ayeey gool heshey kadib markii fursad ay heleen uu gool ugu bedeley weeraryahanka reer Colombia Falcao waxaana ay ciyaarta sidaasi ku noqotey laba gool iyo gool oo ay weli hogaanka ku heyso Real Madrid.

90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa waxaa ay ku soo dhamaatey laba gool iyo gool oo ay guusha ku raacdey kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here