Qof u Dhintay Abaaro Xooggan oo ka Jira Galbeedka Kismaayo

0
137

JOWHAR (Radio isnaay) Bilihii u dambeeyay meelo badan oo katirsan koonfurta Soomaaliya waxaa laga soo sheegayay abaaro baahsan oo galaafanayay xoolaha, iyada oo meelaha qaar laga soo warinayo dad haraad iyo gaajo u dhimanaya.

Ugu yaraan Wiil yar oo 12 jir ah ayaa la soo wariyay in oonka iyo harraadka awgeed uu ugu geeriyooday deegaannada galbeedka Kismaayo, kuwaasi oo ay si weyn u saameeyeen abaaraha.

Ciise Axmed Maxamed oo kunool degaannada ay abaarta kajirto ayaa sheegay in abaartu siweyn u saameeysay dadka kunool tuulooyinka, Buulo Xaaji,  Cabdalla Biroole iyo degaannada kale ee u dhaxeeya Magaalada Ksimaayo iyo degaanka hoosingow, isla markaana abaarta ay saameysay dad iyo Duunyo intaba.

Wuxuu sheegay in dadka ay Xoolihii ka dhamaadeen, sidoo kalena bilihii la soo dhaafay aan la tacbin beeraha, wuxuuna ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & Maamulka Jubbaland inay ai deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka ay saameeysay abaarta.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga soo sheegayay abaar saameeysay dadka iyo Duunyada, iyada oo dadka qaarkood ee Xoolo dhaqatada ah ay bilaabeen inay ka barakacaan degaannada ay kajirto abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here