Dowladda Soomaaliya Iyo Sacuudiga Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Horumarineed

0
159

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan bin Abdul Rahman Al-Murshed, ayaa maanta xarunta Sanduuqa ku qaabilay Safiirka boqortooyada Sacuudiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid.

Intii uu socday kulanka Sultan bin Abdul Rahman iyo Safiirka boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu lafa guray mashaariicdii la hirgeliyay ee ka qeyb qaatay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara.

Waxaa xusid mudan in Sanduuqaasi uu Soomaaliya ku bixiyay (4) deyn horumarineed oo ujeedadiisu tahay in lagu maalgeliyo mashaariic dhowr ah oo ku saabsan dhinacyada beeraha iyo waxbarashada.

Dhawaan ayey markii dowladda Sacuudiga, Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid u soo magacaawday Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo fadhigiisu yahay Magaalada Riyaadh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here