Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
172

JOWHAR (Radio isnaay) Waxa uu ahaa todobaad ay chelsea sii dheeraystay hogaanka horaalka premier League Sidoo kale Man United sabab u noqotay in shaqada laga caydhiyo tababare Nuno Espirito Santo.

Crystal Palace ayaa ka yaabsatay Man City xilli ay Burnley gaadhay guusheedii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa dhanka kale iska khasaarisay laba gool oo ay uga hor martay Brighton iyada oo iska lumisay laba dhibcood halka ay Arsenal sii wado qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ee cajiibka ahaa.

Kadib kulamadii Todobaadka premier League shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka iyada oo soo xulatay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican dhigay.

Kooxahaa Man United iyo Crystal Palace ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig halka ay kooxda Arsenal ku leedahay 2 xiddig.

Kooxaha West Ham, Chelsea iyo Brighton ayaa dhankooda shaxda ugu fiican todobaadka premier League ku leh min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here