Soomaalidii ugu badnayd oo Doorashooyinka Minneapolis u tartamaya

0
409

JOWHAR (Radio isnaay) Waxaa Maanta oo Tallaado ah dhici doona lana soo geba-gabeeynayaa doorashooyinka loogu jiro kuraasta kala duwan ee magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka iyo meelo kale oo kamid ah gobolka Minnesota ama guud ahaanba dalka Mareykanka.

Waxaa tartan iyo loolan doorasho ku jira magaaladda Minneapolis Sagaal (9) Musharax oo Soomaali ah, waxaana musharixiintan tartanka ugu jira kuraas iyo xilal kala duwan ay yihiin tiradii ama musharixiintii ugu tirradda badnaa ee hal mar ama hal doorasho u tartama.

Waa markii ugu horeysay ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ay sagaal (9) qof oo Soomaali ah ay u tartamaan doorasho iyaga oo loolan ugu jira xilal iyo kuraas kala duwan.

Magacyada musharixiinta ku tartami doona doorashada ka dhaceysa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka & xilalka ay doonayaan ayaa waxaa ay kala yihiin.

1. AJ Awed ( Duqa Magaaladda)
2. Yusra Arab (Guddiga Gollaha Deegaanka ee Degmadda 2-aad)
3. Jamal Osman (Guddiga Gollaha Deegaanka ee Degmadda 6-aad)
4. Ubax Nuur (Guddiga Gollaha Deegaanka ee Degmadda 10-aad)
5. Cabdirisaq Biixi (Guddiga Gollaha Deegaanka ee Degmadda 6-aad)
6. AK Hassan (Guddiga Minneapolis Park & Recreation Board)
7. Suleymaan Ciise (Guddiga Gollaha Deegaanka ee Degmadda 5-aad)
8. Yuusuf Xaaji (Guddiga Gollaha Deegaanka ee Degmadda 9-aad)
9. Maxamuud Hassan BBC (Guddiga Minneapolis Park & Recreation Board)

Wadamada Caalamka bafankood ayaa waxaa jira Soomaali u tartamay xilal kala duean, kuwaas oo qaarkood ku guuleystay kuwana ku guuleysan waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here