Xildhibaankii Ugu Horreeyay Ee Golaha Shacabka Oo Goor Dhow La Doortay

0
385

JOWHAR (Radio isnaay) Xarunta Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa daqiiqado kahor kusoo dhammaatay doorashada kursiga ugu horreeya ee Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kursiga ugu horreeya Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP239 ayaa waxaa ku tartamay Marwo Mushtaaq Ibraahim Yusuf iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Doorashada ayaa waxaa coddeeyay 101 Ergo oo lasoo xulay, kuwaasi oo Mahdi Maxamed Guuleed Khadar u doortay inuu noqdo Xildhibaanka ugu horreeya ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta doorashada, wuxuuna uu shaaciyay in Mahdi Guuleed uu helay 97 Cod, halka Marwo Mushtaaq Ibraahim ay heshay 3 Cod , waxaana halaabay 1 Cod.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Xarunta Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ah xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka Federaalka, xalinta khilaafaadka iyo kuwa Somaliland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here