“Waan Ku Riyoonayaa Ku Laabashada Barcelona”:-Lionel Messi Oo Durba Qirtay In Uu Doonayo Ku Laabashada Barcelona.

0
175

JOWHAR (Radio isnaay) Muddo yar ayaa laga joogaa bixitaankii lama filaanka ahaa ee Lionel Messi kaga tagay Barcelona waxana uu durba qirtay in uu niyada ku hayo ku soo laabashada kooxda.

Messi oo waraysi siiyay wargayska reer Spain ee Diario Sport ayaa shaaca ka qaaday doorka uu doonayo in uu ka ciyaaro kooxdiisii hore hadii uu ku soo laabto.

“Haa [Waxaan jeclaan lahaa inaan ku soo laabto Barca. Mar walba waxaan dhihi jiray waxaan jeclaan lahaa inaan caawiyo kooxda haddii aan faa’iido leeyahay.” Leo Messi ayaa u sheegay Diario Sport.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo xoghaye farsamo mar uun, ma garanayo inay noqon doonto Barcelona iyo in kale.

“Hadii ay macquul tahay, waxaan jeclaan lahaa inaan mar kale ku biiriyo waxa aan awoodo sababtoo ah waa kooxda aan jeclahay, waxaana jeclaan lahaa inay sii ahaato mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay ciyaaryahanka reer Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here