Dowladaha Soomaaliya Iyo Sacuudiga Oo Ka Wada Hadlay Dhoofinta Xoolaha

0
168

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo casumaad rasimi ah ka helay Wasiirka Wasaaradda Bii’ada, Beeraha, Xoolaha iyo Biyaha ee Boqortooyada Sacuudiga Abdulrahman Al-Fadhli ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Malik Khaalid Riyaad ee dalka Sacuudi Arabiya.

Soo dhaweynta kadib labada Wasiir ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga wada hadleen  sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Waddan, gaar ahaan wadashaqaynta  labada Wasaaradood iyo sidii si rasmiya xayiraadda looga qaadi lahaa Xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo Dalka Sacuudiga, loona gaari lahaa Xal waara

Dhinaca kale, Khubarada labada Wasaaradood ayaa yeesha shirar gaar gaar ah oo muhimadiisu ahayd in si rasmiya xayiraadda looga qaado dhoofka Xoolaha Soomaaliyeed, Dhinaca Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalay kana mid ahaa wafdiga Wasiirka  Agaasimaha Guud Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa  Maxamed Cumar Nuur, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo kahortagga Cudurada Xoolaha Cabdirixmaan Nuur Garish iyo lataliyaha Dhoofka  iyo Suuq gaynta Xoolaha Cali Maxamed Galool.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya iyo wafdigiisa

ayaa dhinaca  kale kulamo gooni gooniya la qaatay  Madaxa Hay’adda Maalgelinta Dibadda ee Xoolaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga (SALIC) Sulaiman AlRumaih iyo  ku Xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Mansur Mukhtar  oo ay ku kulmeyn xaruunta bangiga ee magaalada Jeddah, waxeyna isla soo qaadeyn muhiimada ay leedahay in la taageero xoolo dhaqatada Soomaaliyeed Baahiyahooda dhinacyada waraabka Biyaha, Daaqa, Daaweynta iyo in la dhiirigeliyo in si rasmiya xayiraada looga qaado Xoolaha Soomaaliya taas oo fududeyn doonta ganacsi balaaran oo ay ka wada faaiideystaan labada dhinac, iyadoo Soomaaliya ay taasi u suurogelin karto kobac dhaqaale, maadaama xoolaha ay ka midyihiin ilaha ugu muhiimsan lafdhabartana u ah Kobaca dhaqaalaha iyo Shaqo Abuurka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here