Real Madrid Oo Wadahadalo La Furtay Vinicius Junior Si Ay Heshiis Cusub Uga Saxiixato.

0
173

JOWHAR (Radio isnaay) Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Vinicius Junior kala hadli doonto heshiis cusub “bilaha soo socda” iyada oo kooxda reer Spain ay u aragto mid aan la taaban karin waliba doonaya in ay ku sii haystaan kooxda.

21 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Los Blancos xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 8 gool ilaa haatan horyaalka La Liga.

Vinicius ayaa weli afar sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Bernabeu, laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay wadahadalo la yeelato weeraryahanka si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here