Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Kaga Hor Tagto Leicester City.

0
181

JOWHAR (Radio isnaay)Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Leicester City kulan hadii ay badiso ay ka sare mari doonto kooxda dacawooyinka kana tirsan premier League.

Gunners ayaan wax guuldaro ah la kulmin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay tan ilaa kulankii ay guuldarada 5/0 ah kala kulantay kooxda Man City bishii August ee la soo dhaafay.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa doonaya in ay kooxdiisu sii wado guulaha iyo qaab ciyaareedka fiican marka ay marti u noqon doonto kooxda Leicester City.

Arsenal ayaa dib u helaysa xiddigo dhawr ah oo dhaawac uga maqnaa kana mid yahay xiddiga Kieran Tierney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here