Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xariga ka jaray balaarin lagu sameeyay Garoonka Xudur

0
174

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo ay wehelinayeen Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub Tariminalka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Xudur oo dhismihisa lasoo gabagabeyey.

Dhismaha Tariminalka cusub ee garoonka Xudur ayaa qeyb ka ah qeybta VIP-da oo si qurux badan loo dhisey iyo qeybaha kale ee Tariminalka uu ka kooban yahay.

Waxaana munaasabada kooban oo xariga looga jarayey dhismaha tarminalka ka dhacday gudaha garoonka Diyaaradaha magaalada xudur ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sanataro, Wasiiro, Lataliyaal, , Madaxda maamulka Gobalka Bakool, kan degmada Xudur, odoyaasha, haweenka iyo marti sharaf kale .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tilmaamay tani inay qeyb ka tahay dadaalada dowlada ay bixinayso hirgelinta adeegyada ay ubaahanyihiin Bulshada.

” Sharaf ayay noo tahay in maanta xariga ka jarno tarminalka cusub ee garoonka diyaarada magaalada xudur ,waa wax aad u weyn oo wax qabad leh in isku tashi lagu dhiso tarminaalkan oo baahi weyn ay uqabeen bulshada, bulshada wax kasta ay rabaan ee la qaban karo waa qabaneynaa, tanna waa mid ka mid ah guulaha Dowlada iyo shacabka qabteen, Gudiga isxilqaan, Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo shacabka wey ku mahadsanyihiin isxilqaanka ay sameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here