Man United Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Laba Xiddig Ka Hor Kulanka Tottenham.

0
152

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Man United ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddigaha Raphael Varane & Anthony Martial ka hor kulanka muhiimka ah ee sabtida ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u halgamaya sidii uu u badbaadin lahaa shaqadiisa tababaranimo ee Man United kadib guuldaradii 5-0 ahayd ee todobaadkii hore ay ka soo gaadhay Liverpool.

Si kasta ha ahaatee tabaabraha ayaa war fiican ka helay waaxda caafimaadka kadib markii ay tababarka ku soo laabteen labada xiddig.

Varane ayaa kooxda Man United ka maqnaa tan ilaa 10-kii bishii October kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa France.

Anthony Martial ayaa isla wakhtigaas dhaawacmay waxana ay labada xiddig ka maqnaayeen kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here