Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle oo Booqday Howlo biyo saaris ah oo kasocda Jowhar.

0
130

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Yuusuf Coloow ayaa Maanta kormeeray Goobaha ay Fariisteen Biyaha Roobabka ee Xaafadda Hanti-Wadaag oo ay kasocdeen Howlo Dayactir ah oo Biyaha looga saarayo Laanta Badda Cas Xaafadda Hanti-Wadaag ee Magaalada Jowhar.

Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Hirshabeelle Maxamed Yuusuf Coloow ayaa yiri

“Maanta Waxaan kormeer Shaqo ku tagay Kanaalka Barwaaqo ee dhanka qorax u dhac Magaalada Jowhar halkaas oo ay ka socdeen Bixinta Biyo Fariistay Xaafadda Hanti-Wadaag Qeybta Baddacas kadib markii ay buuxsameen Waaskadii Biyaha Roobka ay geli jireen, Waxaana Kormeerka igu wehlinayay Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Shabeellaha Dhexe Fartuun Aadan Xeefow Waxaane Guddiga Odayaasha ku wareejinay Shidaal, Ooliyo iyo lacag aan ugu talo galnay in Maanta lagu fududeeyo Shaqada socoto Waxaan u Mahadcelinayaa Xildhibaanada kala ah Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciiley) oo ah Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabeelle Iyo Xildhibaan Shiikh Abuukar Xasan Cali Maqaneey oo iyaga aan Wakiil uga eheen arintaasi, Sidoo kale waxaan u Mahadcelinayaa Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Taliye Xasan Dhicisow Xasan oo balan qaaday inuu Jeebkiisa kaga qeyb qaadanayo Shidaalka ay ku shaqeynayaan Matoorada Muddo Labo Maalin eh, Sidoo kale waxaan u Mahadcelinayaa BEDER HOTEL AND RESTAURANT oo kaga qeyb qaatay 100 liitar oo shidaal eh, sidoo kale Waxaan u mahadcelinayaa sidoo kale Mas,uuliyiinta Heer Dowlad Goboleed Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo qeyb ka ah Dadaalka Biyaha looga saarayo Xaafadaasi, Ugu danbeyn Gudiga Odayaasha iyo Dhalinyarada Xaafadda Hanti-wadaag waan u mahad celinayaa sida aay isugu Xilqaameen sidii Biyaha looga saari lahaa  Xaafadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here