Carlo Ancelotti Oo Ka Fal Celiyay Shaqo Ka Caydhintii Ronald Koeman.

0
176

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa dhigiisa Barcelona ee Ronald Koeman u sheegay in uu horay u socdo isaga oo qalbiga ku haya in uu wax walba siiyay Barcelona kadib markii ay Barcelona shaqada ka caydhisay tababaraha.

Barcelona ayaa wakhti adag ku jirtay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya badiyay 4 kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee ugu horeeyay waxana shaqada laga caydhiyay tababaraha kadib guuldaradii Rayo Vallecano.

Tabbaraha Real Madrid Ancelotti ayaa wax laga waydiiyay shaqo ka caydhinta Koeman waxana uu yidhi”waxa marar badan la iga caydhiyay shaqo, walina waan noolahay”.

“Shaqo ka caydhintu waa qayb ka mid ah ciyaaraha, waa in aad walba siiso kooxda ilaa inta aad tababaraha tahay”.

“Waxa aan rumanahay in uu Koeman wax walba siiyay Barcelona”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here