Ole Gunnar Solskjaer Oo Loo Qabtay Muddo Uu Shaqadiisa Ku Badbaadin Karo, Imisa Kulan Ayaa Loo Qabtay.

0
231

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa kaliya seddex kulan haysta si uu u badbaadiyo shaqadiisa Man United sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Norway ayaa ku dhawaaday in shaqada laga caydhiyo kadib guuldaradii 5/0 ahayd ee ka soo gaadhay Liverpool Axadii ka hor inta ayna maamulka kooxdu go’aansan in ay iska dhaafaan tababaraha.

Si kasta ha ahaatee Solskjaer ayuu saaranyahay cadaadis xoogan kadib markii ay kooxdiisu hal dhibic kaliya ka heshay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Solskjaer ayaa la filayaa in shaqada laga caydhiyo hadii ay Man United guuldaro la kulanto 3-da kulan ee soo socota ee tartamada oo dhan.

Man United ayaa la ciyaari doonta kooxaha Tottenham Hotspur, Atalanta BC & Manchester City laba kulan oo Premier Leageu ah iyo hal kulan oo champions League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here