Dhimasho & dhaawac ka dhashay dhisme ku soo dumay Magalada Muqdisho

0
125

JOWHAR (Radio isnaay) Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Shaqaale  dhisayay uu kusoo dumay Guri kuyaal Agagaarka Isgoyska Sooble ee Waaxda degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ee Gobolka Banaadir oo tegay Goobta ayaa ka qeyb qaatay gurmadka loo sameeynayay dadka uu ku dumay darbiga Guriga, waxaana goobta laga qaaday dhaawaca Afar ruux oo Shaqaalaha kamid ahaa.

Guddoomiyaha Waaxda 1aad  Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Cali Yuusuf & Agaasimaha Gurmadka deg dega ah ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen inay ku guuleysteen in la soo badbaadiyo dadka dhismaha uu ku dumay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay xireen Milkiilaha Goobta dhismaha uu ka socday oo ah goob loo diyaarinayay Suuq, sidoo kalena la baadi goobayo hal qof oo lagu la’yahay dhismaha hoostiisa.

Mararka qaar ayaa waxaa sidaan oo kale uu dhismo ugu soo dumaa Shaqaale dhisaya, kuwaas oo ku noqda dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale ay ku burburto hanti  farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here