Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Jowhar

0
148

JOWHAR (Radio isnaay) Fatahaadaan ayaa Wabiga Shabeelle ee Mara Gobolka Shabeellaha Dhexe  waxaa saacadihii la soo dhaafay uu ka sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar Gaar ahaan Laanta Suuqa Xoolaha halkaas oo dadkii deganaa ay isaga barakaceen.

Fatahaada ayaa saameyn ku yeelatay Guryaha iyo Beeraha kuyaal Xaafadda Hanti-wadaag gaar,ahaan Laanta Suuqa Xoolaha waxaana la sheegay in uu baabi’iyay Beero badan oo Dalagyo ay ku beernaayeen.

Guddoomiyaha Xaafadda Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar Cusmaan Xuseen Cumar (Cusmaan Gaab) ayaa ku baaqay in wax  laga qabto Fatahaadaha sidoo kalena loo gurmado Dadka Guryahooda kabarakacay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Guddoomiyaha in dhibaatooyin kala duwan ay ka dhasheen Fatahaadaha oo ah kuwo ku soo laalaabtay Xaafadda Hanti wadaag ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar iyo Tuulooyinka Hoosyimaada ayaa waxaa dhowr jeer Fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle waxaana uu saameeyay Dalagyada Beeraha iyo Qoysas Guryahooda ka barakacay Maadaama ay saameeyeen Fatahaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here