Kooxda Spartak Moscow Oo Man United Kaga Maadsatay Twitter-ka Kadib Guuldaro Weyn Oo Ay La Kulantay.

0
190

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Spartak Moscow ayaa ka maadsatay kooxda Man United kadib markii ay Red Devils la kulantay guuldarada weyn ee kulankii Liverpool Axadii shalay.

Man United ayaa la kulantay guuldaro 5/0 ah kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa premier League todobaadkii 9-aad ee xilli ciyaareedka.

Dhanka kale kooxda Spartak Moscow ayaa guuldaro 7/1 ah kala kulantay kooxda Zenit kulan ka tirsanaa horyaalka Russia.

Kadib guuldaradaas soo gaadhay kooxda Spartak Moscow ayaa bogeeda soo dhigtay muuqaal adduunka oo dhan ay kaga qoslisay iskuna bar-bar dhigtay iyaga iyo Man United.

Spartak Moscow ayaa bogeeda soo bandhigtay Tom-Jerry kaas oo ay kala dul saartay calaamadeeda iyo calaamada Man United iyada oo uga jeeda in labadoodaba la xasuuqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here