Barcelona Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Ugu Xiisaha Badan Kubada Cagta

0
166

JOWHAR (Radio isnaay) Indhaha taageerayaasha kubada cagta ayaa u jeedsan doona garoonka Camp Nou halkaas oo uu ka dhici doona kulanka ugu xiisaha badan kubada cagta ee El Clasico kaas oo dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Kooxda Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan guulaha kuna soo laabtaan kaalinta 1-aad ee horyaalka oo ay haatan ku jirto kooxda Real Sociedad.

Dhanka kale Barcelona ayaa doonaysa in ay ku soo laabato kaalmaha hore ee horyaalka maadama ay haatan ku jirto kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka.

Barcelona ayaan badin mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaartay Real Madrid horyaalka La Liga, hadii ay kulankan ku fashilmaan in ay badiyaan waxa ay noqon doontaa mudadii ugu dheerayd ee ayna wax guul ah ka gaadhin koox kaliya tan ilaa may 2008 markaas oo ayna 5 kulan ka  badin Real Madrid.

Real Madrid ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Barcelona Tartamada oo dhan laakiin kama badin 4 kulan oo xidhiidh ah iyo wax ka badan Barcelona tan ilaa 1965.

Barcelona ayaa dhalisay 34 ka mid ah 35-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda iyaga oo kaliya ku fashilmay in ay gool ka dhaliyaan Atletico Madrid bishii May ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here