Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda Ee 2022 Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho

0
151

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Miisaaniyadda Qaranka loo qoondeeyay sanadka soo socda ay ka wanaagsan tahay sanadkii hore, marka la eego kororka dakhliga gudaha.

Kulanka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Suleyman Sheekh Cumar, Agaasinka Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda iyo hawlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here