Maxay Uga Wada Hadleen Kulan Dhexmaray Madaxweyne Guudlaawe Iyo James Swan?

0
164

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Guudlaawe iyo James Swan ayaa looga hadlay dadejinta  howlaha Doorashooyinka, Amniga, Bini’aadanimada, iyo dardargalinta Mashaariicyada UN-ka u hayaan Hirshabeelle.

Ambassador Jemes Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka uga qabsoontay si daahfurnaan ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe ayaa dhankiisa Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan uga mahadceliyay taageerada uu la garan taagan yahay Maamulkiisa iyo dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here