Maxaa Ka Cusub Dadaalkii Chelsea Ku Doonayeen In Hishiis Cusub Uga Saxiixdaan Antonio Rudiger.?

0
163

JOWHAR (Radio isnaay) Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa lagu waramayaa in ay laba jibaaren dadaalka ay ku doonayaan in Chelsea kaga soo helaan Antonio Rudiger.

Hishiiska Antonio Rudiger ee Chelsea bilo ayaa ka harsan mana u muuqdo mid qanadaraas cusub siinaya kooxdaas galbeedka London ka dhisan .

Waxa wada xaajoodka Chelsea iyo laacibka hakinaya ayaa ah dhanka mushaarka , waxa uuna Antonio Rudiger ku doonayaa hishiiska cusub aduun gaaraya 400 kun oo gini todobaadkii ah .

Real iyo Munich ayaa haatan ku dagaalamaya saxiixa laacibka marka suuqa kala iibsiga uu furmo , waxa ayna ESPN sheegeysaa in labada koox ku rajo weyn yihiin saxixiisa xilli wakiilkiisana ay wada xaajood kula jiraan

Chelsea dhankooda ma doonayaan in laacibka siiyaan wax ka badan 150 kun oo gini todobaadkii waxa uuna Antonio Rudiger diyaar u yahay in hishiiska iyo warqadda uu is dul saaro haddii dhanka lacagta la xaliyo .

Sidoo kale PSG iyo Juventus ayaa meel fog ka eeganaya laacibka inkastoo weli aysan qaadin talaabo muuqata

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here