Koox Ingiriiska Ah Oo Dooneysa In Raheem Ka Bad-baadiyan Ciqaabta Keydka Macalin Pep Ee Man City !

0
454

JOWHAR (Radio isnaay) Liverpool ayaa qorsheneysa in mar kale ay la midoobaan xiddigooda hore Raheem Sterling marka suuqa kala iibsiga uu furmo January

Laacibkaas hore Liverpool ayaa haatan ku dhibaatoonayaa Man City waxa uuna ka sii baxayaa dookha doorasho ee macalin Pep , xilli haatan bogga Fichajes tilmaamayo in si fog laacibka looga doonayo qalcadda Anfiled

Raheem ayaa qalcadda Etihad ee City tagay sanadkii 2015-tii waa uuna ku raaxeystay kooxdaas iyadoo horyaalka uu la qaaday marar badan balase haatan shaxda asaasiga ee macalin Pep waa ka uu dhacay.

Laacibka qudhiisa ma diidayo in uu ku laabto Liverpool waxa uuna dagaal ugu jira boos joogto ah si uusan isaga dhex waayin liiska qaranka Ingiriiska ee koobka aduunka 2022-ka

Hishiiska Raheem ee Man City ayaa dhacaya xagaaga 2023-ka , waxaana sidoo kale isha ku haysa kooxda PSG kuwaasi oo damacsan in saxiixiisa isku dayaan marka suuqa jilaalka uu furmo bisha January

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here