Mid kamid ah dalalka Yurub oo aqbalay in lagu tago Baasaboorka Somalia

0
155

JOWHAR (Radio isnaay) Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Gudoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay u mahad celinaysay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa horay u aqbalay in lagu tago qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana la filayaa inay dhawaan aqbalaan dalal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here