Maamulka Jubbaland oo Maanta dhameystiraya doorashada Aqalka Sare

0
139

JOWHAR (Radio isnaay) Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah taariikhduna kubeegan tahay 22 Bisha Octoober in lagu qabto doorashada Afarta kursi ee Jubbaland uga harsan kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shalay oo Arbaco aheyd diiwaangeliyay musharixiinta Aqalka Sare, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Qeybta hore ee doorashada ayaa Xildhibaannada Jubbaland ayaa waxaa ay dhageysan doonaan khudbadaha mushariixiinta, waxaana intaasi kadib la guda geli doonaa doorashada Afarta kursi oo ay ku tartami doonaan 8 musharax oo kala ah.

1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh

2: Ibrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow
Cabdi Xuseen Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here