Bar-Bardhiga Mohamed Salah Ee Cristaino Ronaldo & Lionel Messi Oo Laga Jawaabay.

0
136

JOWHAR (RADIO ISNAAY) Jose Kleberson ayaa sheegay inkasta oo uu Mohamed Salah si joogto ah u soo bandhigayay bandhigyo cajiib ah, haddana xiddiga reer Masar ayaan wali la heer ahayn Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Salah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay illi ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 12 gool tartamada oo dhan xilli uu goolkii uu ka dhaliyay Atletico Madrid uu ka dhigay xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda Liverpool ee gool dhaliya 9 kulan oo xidhiidh ah.

Salah ayaa Liverpool ka dhaliyay in ka badan 100 gool tan iyo markii uu yimid kooxda xagaagii 2017. Iyadoo uu qirsan yahay joogtaynta Salah, Kleberson ayaa sheegay in

“Mohamed Salah ma ahan ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, laakiin si joogto ah ayuu u fiicnaa. Waqti dheer hadda, wuxuu ciyaaray kubad aad u fiican, waanan fahamsanahay sababta uu Jurgen Klopp ugu yeedhay xiddiga ugu fiican adduunka”.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa xusay in Salah uu ka faa’iideystay inuu saaxiibbo heer caalami ah ku haysto Liverpool. Laakiin waxa uu si faahfaahsan u sheegay inay jireen ciyaartoy ka fiican oo si joogto ah qaab ciyaareed fiican u soo bandhiga.

xiddiga reer masar uu aad uga dambeeyo in lagu tilmaamo xiddiga ugu fiican adduunka.

Marka laga soo tago Salah, Liverpool waxay haysataa koox wanaagsan oo siisa taageero weyn, wuxuuna u muuqdaa mid ku faraxsan halkaas, arrimuhu si fiican bay ugu soconayaan Salah, laakiin ma ahan ciyaaryahanka ugu fiican adduunka hadda, aniga ahaan, way igu adag tahay inaan sheego xidiga ugu fiican maadama uu haysto koox fiican”.

Kleberson ayaa intaas ku daray in ciyaarta ay si aad ah isu beddeshay, laakiin ay aad u yar tahay in la helo xiddigo la jaan-qaadi kara xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi sannadihii la soo dhaafay.

“Kubadda cagta wax badan ayaa isbedelay, sanado badan, waxaana haysanaya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, laakiin ma jiraan xiddigo muujiyay waxa ay haystaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here