Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Kaga Hor Tagto Atalanta.

0
149

JOWHAR (Radioisnaay) Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu si badalo ku sameeyo shaxdiisa kulanka caawa ee champions League ee ay la ciyaari doonaan xilli uu isha ku hayo in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad ee Group-ka F kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Young Boys bilowgii tartanka.

Solskjaer oo wajahaya cadaadis xoogan ayaa doonaya in uu guul ku hogaamiyo kooxdiisa waxana ay ka hor iman doonaan kooxda mayalka adag ee Atalanta kulan xiiso iyo xamasad leh. Xiddiga dhaawaca ka soo kacay ee Rashford ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Man United sidoo kale xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa sii hogaamin doona weerarka United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here