Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta soo xiraya Shir ka socda Kismaayo

0
136

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxwaynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta lagu wadaa inuu soo xiro Aqoon is waydaarsi Mudo saddex maalin ah u socday Xukuumada Jubbaland.

Aqoon iswaydaarsigan waxaa kawada qayb galayay dhammaan Golaha wasiirada Jubbaland, waxaa maanta Xiritaanka kusoo biiray Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradaha Jubbaland.

Maalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uu shirka furay, waxaana Golaha Wasiirada ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan oo ku saaban Shaqada ay hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here