Man City Oo Arsenal & Barcelona U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Raheem Sterling.

0
195

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay madaxa Raheem Sterling Dul dhigtay lacag dhan 68 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo kooxda Man City xilli ciyaareedkan waxana uu dhawaan qirtay in uu u furanyahay in uu isaga tago kooxda.

City ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay sii haysato xiddiga laakiin xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Barcelona iyo Arsenal.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Kooxda Barcelona ayaa xiddiga reer England diyaar u ah in ay iska iibiso wakhtiga soo socda laakiin doonaysa lacag dhan 68 milyan oo euro si ay u fasxdo xiddiga.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Arsenal sidoo kale aad u doonayso saxiixa xiddiga kaas oo uu Mikel Arteta doonayo in uu kula shaqeeyo Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here