Xiiddigaha Man United Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Su’aal Ka Keeneen Qaab Ciyaareedka Jadon Sancho

0
200

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddigaha Manchester United ayaa si gaar ah uga walwalsan saxiixa Jadon Sancho, waxayna su’aal ka keenayaan in kooxdu ay khalad ku samaysay in ay xiddiga keento Old Trafford, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga reer England ee Sancho ayaa dhaliyay 50 gool 67 caawinna u sameeyay Borussia Dortmund kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Man City saandkii 2017.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxda Man United waxana ay kooxdu ka bixisay lacag dhan 70 milyan oo euro.

Wax weyn ayaa laga filayay xiddiga 21 jirka ah markii uu yimid Man United laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday ilaa haatan in uu is muujiyo.

Sida laga soo xigtay wargayska The Times Xiddigaha Man United ayaa ka wal-walsan dhibaatada Sancho iyaga oo aaminsan in ay kooxdu ku khaldantay in ay xiddiga ku soo celiso Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here