Bandhigga filimada ee Africa uggu weyn oo furmey

0
180

JOWHAR(Radio isnaay)Kumanaan qof ayaa ka qeyb galey furitaanka bandhigga aflaamka uggu weyn ee Africa, kaasoo ka furmay magaalada Ouagadougou, ee caasimada dalka Burkina Faso.

Munaasabaddan sanadlaha ah, ayaa dib loo dhigey bishii February ee ina dhaaftey, sababo xiriira cudurka safmarka ee Covid19.

Bandhigga filim-ka iyo Television-ka Pan Africa, oo loo soo gaabiyo FESPACO, ayaa soo jiita dad fara badan oo xiiseeya.

Dadka ayaa ka kala socda adduunka oo idil, si ay uggu dabbaal dagaan aflaamta inta badan African-ka ah, oo ay sidoo kale soo saareen dadka African-ka.

Ammaanka guud ahaan magaalada, ayaa si weyn loo adkeeyey.

Gobolada Waqooyiga iyo Bariga ee dalka Burkina Faso, ayaa waxaa halkaasi ka dhacayey weeraro ay kusoo qaadayeen qolyo sheegtay iney Jihaad doon yihiin, iyagoo aan kala joogsi laheyn illaa iyo sanaddii 2015-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here