Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Qurba joogta oo lagu qabtay Jowhar.

0
176

JOWHAR (Radio isnaay)Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Qurba joogta Hirshabeelle ayaa maanta ka furmay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jowhar waxaana inta shirka uu socday la isku weeydaarsaday Aragtida Bulshada ee ah sida Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Hirshabelle ay Maalgashi ugu sameysan lahaayeen Deegaannada Hirshabeelle oo ah Deegaanno Rabi kumaneestay kheyraadka Nuucyadiisa kala duwan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Dhanka Siyaasadda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Guddoomiye ku-xigeenka dib u heshiisinta ayaa si wada jir ah shirka kaga hadlay waxaana ay sheegeen Muhiimadda ay leedahay in Jaaliyadu ay Maalgashi ku sameystaan Deegaannadooda si sare loogu qaado Horumarka Deegaannada Maamulka Hirshabeelle.

Lataliyaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cabdirisaaq Cumar Bood ayaa bulshada iyo Guud ahaan ka qeybgalayaasha ugu baaqay in waxyaabaha u baahan in Maalagashiga lagu sameeyo ay u bidhaamiyaan Qurba joogta.

Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeelle Cabqaadir Cabduulle Xooshow oo gaba gabadii Shirka ka hadlay ayaa sheegay in Ujeedka shirka uu yahay sidii Qurba joogta ay fursado shaqo uga abuuri lahaayeen Deegaannada ay ka soo jeedaan iyagoo ku sameysanaya Maalgashi.

Sikastaba Ha,ahaatee Shirkaan ayaa ahaa mid muhiim u ah Bulshada Kunool Deegaannada Hirshabeelle iyo Qurba Joogta kasoo jeeda Hirshabeelle waxaana larajeeynayaa in Qurba Joogta ay Ganacsiyo ka Abuuraan Deegaannada Hirshabeelle si ay uga Faa,iideestaan Bulshada Reer Hirshabeelle islamarkaana ay shaqo abuur ugu noqoto Dhalinyarada Deegaannada Hirshabeelle.

Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Qurba joogta Hirshabeelle ayaa maanta ka furmay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jowhar waxaana inta shirka uu socday la isku weeydaarsaday Aragtida Bulshada ee ah sida Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Hirshabelle ay Maalgashi ugu sameysan lahaayeen Deegaannada Hirshabeelle oo ah Deegaanno Rabi kumaneestay kheyraadka Nuucyadiisa kala duwan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Dhanka Siyaasadda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Guddoomiye ku-xigeenka dib u heshiisinta ayaa si wada jir ah shirka kaga hadlay waxaana ay sheegeen Muhiimadda ay leedahay in Jaaliyadu ay Maalgashi ku sameystaan Deegaannadooda si sare loogu qaado Horumarka Deegaannada Maamulka Hirshabeelle.

Lataliyaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cabdirisaaq Cumar Bood ayaa bulshada iyo Guud ahaan ka qeybgalayaasha ugu baaqay in waxyaabaha u baahan in Maalagashiga lagu sameeyo ay u bidhaamiyaan Qurba joogta.

Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeelle Cabqaadir Cabduulle Xooshow oo gaba gabadii Shirka ka hadlay ayaa sheegay in Ujeedka shirka uu yahay sidii Qurba joogta ay fursado shaqo uga abuuri lahaayeen Deegaannada ay ka soo jeedaan iyagoo ku sameysanaya Maalgashi.

Sikastaba Ha,ahaatee Shirkaan ayaa ahaa mid muhiim u ah Bulshada Kunool Deegaannada Hirshabeelle iyo Qurba Joogta kasoo jeeda Hirshabeelle waxaana larajeeynayaa in Qurba Joogta ay Ganacsiyo ka Abuuraan Deegaannada Hirshabeelle si ay uga Faa,iideestaan Bulshada Reer Hirshabeelle islamarkaana ay shaqo abuur ugu noqoto Dhalinyarada Deegaannada Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here