Diblomaasi Yurubiyaan ah oo ka yaabay wasakhda taalla caasimadda dhawan loo soo bedalay.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa hawlgalka Midowga Yurub ee Liberia ayaa sheegay inuu ka yaabay sida ay u taallo caasimadda Monrovia, in kastoo dhaqaalo badan lagu bixiyay in la nadiifiyo isla markaana la wanaajiyo bilicdeeda.

Laurent Delahousse oo ka hadlayay kulan uu soo qabanqaabiyay Golaha Caasimadda Monrovia, ayaa wuxuu sheegay inuu la yaabay ustagga yaalla wadooyinka caasimad sanad ka hor markii halkaa loo bedalay.

“Monrovia waa caasimad laga yaq-yaqsoodo, waa mid aad u wasakh badan,” ayuu ka sheegay kulanka lagu marti qaaday.

“Inta caasimadood ee aan ka tegay Afrika ee aan horay uga soo shaqeeyay, ma arag caasimad ka ustag badan tiina,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu ugu baaqay maamulka caasimadda in wax laga qabto xaaladda ay ku sugan tahay Monrovia, isla markaana lo soo bandhigo halka ay ku baxaan lacagaha deeqda ah iyo canshuurta laga qaado ganacstada.

“Caasimad nadaafadeeddu wanaagsan tahay waah anti, waxay abuurtaa shaqooyin badan, waana taa waxa ay hadda u baahan tahay Liberia,” ayuu hadalkiisa raaciyay diblomaasi Delahousse.

Ergaygan aan hadalka la gabban ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibtu aanay ahayn nashqadeynra caasimadda ee loo baahan yahay in wax badan laga qabto xaaladda faya dhowrka oo ah mid liita.

Duqa caasimadda Monrovia, Jefferson Koijee, isla markaana ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga talada haya ee CDC, ayaa sheegay in culeyska ugu badan ay kala kulmayaan maareynta khashinka, maadaama ay dad ka badan intii loogu talogalay ay ku nool yihiin caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here